Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Lataliyaal iyo Agaasimayaal Cusub

0
18

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Mudane Maxamed Ibraahim Nuur howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdii Barre oo ka duulaya howlaha horyaalla xukuumadda ayaa magacaabay qaar ka mid ah agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay la taliyeyaal sarsare oo ka qeyb qaata dhiraandhirinta howlaha hortebinta leh ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here