Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shirweynaha caafimaadka caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto, kaasoo ay isugu yimaadaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada arrimaha caafimaadka la xariira ee ka hawlgala Muqdisho.
Shirweynahaan caafimaadka la xariira oo ay soo agaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose ee Xamar ayaa intiisa badan ah mid Isla xisaabtan oo ay hay’adaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.
Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale) oo shirkan furay ayaa kula dardaarmay wakiilada ka socday hay’adaha caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh, isla markaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed.








































