Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal ajaanib ah oo racfaan ka soo qaatay maxkamada gobolka, kuwaas oo loo haystay inay si sharci-darro ah uga kalluumeysteen biyaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir, Saciid Cali Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada, waxaana eedeysanayaaaha midkiiba lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya 12,000 oo doollar.
Ugu dambeyn, Maxkamadda ayaa waxa ay u xukuntay dowladda Soomaaliya labada doomood iyo dhammaan qalabkii saarnaa, waxaa kaloo loo xukumay kalluunkii laga jallaabtay badda Soomaaliya oo Dowladdu ay horay u xaraashtay.