WASIIR CADAALA: Hawl-galladii ugu dambeeyay waxaa lagu bur-buriyay Hub iyo Saanado kala duwan oo ay lahaayeen Khawaarijta

0
310

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta XFS, mudane C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala) oo ka qayb-galayay barnaamij dood ah oo ka baxaya Twitter Space-ka ee warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan hawlgallada ka dhanka Khawaarijta iyo guulaha laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Qaranka ay guula waaweyn ka soo hoyeen hawlgallada socda, Khawaarijtan looga dila tira aad u fara badan oo isugu jira hor-joogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa xusay in hawlgalladii toddobaadyadii ugu dambeysay ciidamada ay fuliyeen uu ahaa kuwa lagu burburinayay saanad ciidan iyo goobaha ay Khawaarijtu ay ku dhuumaaleysanayeen, guulna laga gaaray oo la burburiyay gaadiid iyo malleeshiyaad fara badan oo katirsanaa Khawaarijta.

“Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala

Dhanka kale, Wuxuu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay hawlgalka wajiga 1-aad, isla marakan toddobaadyada soo socdo ay dhici doonaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta, isaga oo sheegay in la bur-buriyay isbaarooyin Khawaarijta lacaga baad ah oo shacabka ay ku dhibateen jireen oo yiillay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, halkaas oo Khawaarijtu ay ku dhibateen shacabka ku safra.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here