Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay shirweynaha shanaad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada, kaasoo loogu hadlayo doorka ay dhallinyarada ku dhex leeyihiin bulshada.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhallinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dardaarmay in lagu dadaalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhallinyarada si ay u soo bandhigaan hal-abuurkooda.
Shirkan oo soconaya muddo labo casho ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaaya xafiiska la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha bulshada.











































