Bayaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah-faahiyey sababta dadka looga saarayo dhulka (Kaasa Italia) ee degmada Xamar-weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda Dowladda Talyaaniga.
Warka maamulka kasoo baxay ayaa lagu yiri: “Burburinta dhismaha xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa in aanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta.”













