Duqa Caasimadda oo ka Qayb-galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Muqdisho Stadium: SAWIRRO

0
271

Madaxweynaha Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), wasiirro ka tirsan XFS, Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay garoonka Stadium Muqdisho, halkaas oo ka dhacday munaasabad lagu maamusayay xuska 63-guuradii kasoo wareegtay xilligii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ku asteysan Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

1-day Luuliyo oo ah maalin qiima badan oo ku weyn qalbiyada ummadda Soomaaliyeed ayaa munaasabad maalintan lagu weyneynayay lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho, waxaana la qabtay tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeyay kooxaha Muqdisho City iyo Horseed SC.

Ugu dambeyn, 32-sano kaddib ayaa markii ugu horreysay si weyn oo milgo leh loo maamuusay 63-sano guuradii kasoo wareegatay guulihii taariikhiga ahaa ee ka curtay Soomaaliya oo laga xusi karo xorriyadda iyo in dhulka Soomaaliyeed ee sharafta badan laga taagay calanka buluugga ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here