Paul Merson oo ah khabiir ka fallooda cayaaraha ayaa saadaaliyay kulan lagu wado inuu galabta dhexmaro Arsenal iyo Manchester City oo ay ugu tartamayaan koobka Community Shield, kaasoo lagu qaban dooo garoonka Wembley ee magaalada London.
Kooxahan oo si weyn u xafiiltama ayaa midkood la filayaa in kukankiisa maanta uu ku billaabo guul, halka midka kalena uu guul-darro la galban doono.
Manchester City oo ah koox adag ayaa ku soo guuleysatay saddexda koob ee FA-ga, Premier League iyo Champions League, waxa ayna maanta halgan u geli doontaa sidii ay ugu darsan lahayd Community Shield oo sannadkii hore ay kaga adkaatay kooxda Liverpool.
Labada kooxood ee sida adag ugu xafiiltamay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii tegay, ayaa uu midkood guul koob ah ku bilaaban doonaa fasalka cusub, halka midka kalena uu guul-darro ugu curan doono.
Manchester City oo kusoo guuleysatay saddexda koob ee FA Cup, Premier League iyo Champions League ayaa waxay halgan u geli doontaa sidii ay ugu darsan lahayd Community Shield oo sanadkii hore xilligan oo kale ay Liverpool kaga adkaatay.
Sidoo kale, kooxda Arsenal ayaa iyaduna waxay ciyaaraysaa koobkan Community Shield oo ay ugu dambaysay sananadkii 2004 oo ahayd waqtigii ay ku guuleysatay horyaalkeedii ugu dambeeyay ee Premier League, iyadoo maanta ku tashanaysa awoodaha cusub ee ay kooxda kusoo biirisay sida; Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber.
Paul Merson ayaa saadaashiisa ku xusay: “Arsenal waxay haysataa koox dhisan oo dhamaystiran, waxa ay u muuqdaan in ay buuxiyeen farqigii u dhexeeyay iyaga iyo Man City. Waxa ay soo iibsadeen laacibiin ay isku xoojiyeen. Dad aad u tiro yar ayaa filayay in Arsenal ay afarta sare ka mid noqon doonto xilli-ciyaareedkii hore, balse xilli-ciyaareedkaan filashooyin badan ayaa jira. Waana taas midda keentay inaan ka bixiyo saadaal koobkan ay ku loolamayaan Arsenal iyo Manchester City.”
Ugu dambeyn, Paul Merson ayaa sheegay in isaga aragtidiisa ay guusha koobkan ay raaci doonto Arsenal, weliba waxa uu ku darsy inay cayaartu ku dhammaan doonto 2-1 ay ku adkaato Arsenal.













