Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo qaabilay ergayga gaarka ah ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika: SAWIRRO

0
301

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Q.M. ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Danjire Affey ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, iyo sidii daruufahooda nololeed loo hagaajin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.

Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni, taas oo wax weyn ka tareysa xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalka ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here