Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda (Save the children), waxaana wafdigan hoggaaminayay Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka agaasimaha hawlgallada ee hay’adda Save The Children, kulanka waxaa ku wehlisay, Francesca Sangiorgi agaasimaha Humanitarian-ka Save the Children,
Kulanka ayaa looga hadlay in Save the Children ay hay’ada SoDMA ka caawiso in qorshe loo sameeyo fatahaado laga cabsi qabo in ay ka dhacdo qeybo ka mid ah dalka, ka qeyb-qadashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay’adda maareynta musiboyinka, dardar-galinta mashaariicda iyo xiriirka labada hay’adood, waxa ayna kulanka kaddib kormereen xubnahan qaybo ka mid ah xafiisyada hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka.















