Shirweynaha Waxbarashada Qaranka ayaa galay maalintiisii saddexaad, iyadoo ay maanta ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasoo bigaadiyay shirka soo jeediyay qodobbo muhiim ah.
Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa soo jeediyey cilmibaaris uu ka sameeyay “Sida lagu heli karo horumarinta iyo maareynta bare-yaal mihnad leh”.
Sidoo kale, Marwo Siraad Maxamed (Maamo Ugaaso) oo isu xilsaartay xannaaneynta caruurta darbi jiifka ayaa ka qaybgashay dood-wadaag ku saabsan caafimaadka iyo badqabka ardeyda ku jirta waxbarashada.
Waxaa kaloo ka hadlay, Dr. Cali C/llaahi Warsame ayaa soo jeediyey cilmibaaris ku saabsan “Isku-dhafka Waxbarashada Dugsiyada Qur’aanka ah”.
Cabdiraxmaan Faarax (Luunge) oo ka mid ah dadka aragga la’ ayaa soo jeediyay khudbad muhiim ah oo ciwaankeedu ahaa “Ka qaybgalinta Waxbarashada ardayda qabta baahiyaha gaarka ah”.
Dr. Faaiza Xassan ayaa shirka kusoo bandhigtay cilmibaaris ku saabsan “Sida ay Soomaalida maalgalin joogto ah ugu sameyn karaan Waxbarashada”.
Ugu dambeyn, Cilmibaaris habka maamulidda waxbarashada waddan federaal ah, waxaa soo diyaariyay lana wadaagay dadweynaha kasoo qayb-galay shirka Mr. Saalim Siciid Saalim.