Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo bandhigtay Ardaydii ku baasay iyo kuwii ku dhacay Imtixaankii Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare: AKHRISO

0
283

Wasaaradda Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tirada ardaydii u fariistay imtixaanka, kuwii haray iyo kuwii gudbay.

Tirada guud ee ardayda loo qorsheeyay inay u fariistaan imtixaanka ayaa ahayd; 33,335 arday, balse waxaa u fariistay 32,501 arday. Waxaa ardaydaan dheddig ahaa: 13,179, halka ay lab ahaayeen; 19,322 arday.

Ardayda Imtixaanka ku gudbay wadartooda guud waa; 30,005 arday, waxaa lab ka ahaa; 17,830, halka ay dheddigu yihiin; 12,175. Tirada guud ee ardayda dhacday waa; 2496 arday, waxaa lab ka ahaa; 1492, halka ay dheddigu yihiin; 1004 arday.

Haddaba halkaan hoose ka Akhriso Bayaanka Wasaaradda wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Taclionta Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here