Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar munaasabad sagootin ah ugu sameeyay madaxda sowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS ee uu u dhammaaday meertada 6-aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo munaasabada uu kasoo qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Bare.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somalia, Xildhibaano, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Gobolka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo xubno kale ayaa ku sugnaa munaasabada.
Ra’isul Wasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Bare ayaa bogaadiyay talaabooyinka horumarka leh oo uu Maamulka Gobolka Banaadir gaarsiiyay Caasimadda iyo in bulshada loo daadajiyo adeegyada dowliga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay hir-galinta xaquuq siyaasadeedka Gobolka iyo Maqaamka Caasimadda.


































