Ra’iisul Wasaare Xamse: Muddo kooban ayaa lagu soo afjarayaa Hawlgalka ka dhanka ah Khawarjita

0
440

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mudda kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah khawaarjita ee ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle kadibna loo gudbi doono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

“Waxaan rajeynayaa in muddo gaaban lagu soo afjari doono Khawaarijta ku harsan deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,” ayuu yiri RW Xamse Barre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan ugu baaqay shacabka in aysan  dhex-dhexaad kaa noqon dagaalka lagula jiro Khawaarijta, madaama waxa la isku haysto uu yahay jiritaanka ummadda oo ay Khawaarijtu rabaan in dalkaan uu noqdo meel bahallo galeen ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudda lagu jiray diyaar-garowga dhameystirka hawlgallada socda ay dowladda diyaarisay ku dhawaad 10-kun oo ciidan, kuwaasoo qayb ka noqonayo hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha dhammaan hay’adaha dowladda faray in si wadajir ah looga wada qeyb qaato hawlgallada, xildhibaannada ayu ugu baaqay in ay tagaan degaanada ay ka soo jeedaan oo ay dadka abaabulaan ayna ku dhiirri-geliyaan in leyska xoreeyo Khawaarijta, hadalkaan ka sheegay xili uu ka qayb-galayay xafladda shaacinta natiijada imtixaanka shahaadiga ee dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jiray wasiiro, sarakiil ciidan ay gaareen Dhuusamareeb, iyadoo halkaa uu Madaxweynaha uu ka hagi doono dhameytirka haraadiga Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here