SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Xaley Saqdii Dhexe Calanka suray madaxtooyada Soomaaliya

0
1127
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xaley calanka saaray madaxtooyada Soomaaliya, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu kala qaybiyey.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here