Afhayeenka Booliiska Somalia oo faah-faahin ka bixiyay hawlgalkii ka dhacay Degmada Dharkeenley: MUUQAAL

0
606

Ciidanka xasalinta Caasimadda ayaa soo afjaray hawlgal gaarka ah oo lagu bartilmaamaystay guriga uu deggan yahay ñin lagu magacaabo Sheekhow Xasan Cali.

Shir jaraa’id oo Afhayeenka Booljiska Somalia, Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Dooodishe) uu ku qabtay Dharkeeynleey ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka u dhaxeeyay ciidamada xasilinta Muqdisho iyo maleeshiyaad ka amar qaatay Sheekhow, isaga oo sheegay in hawlgalku ku saabsan sarreynta sharciga oo daba socda xeerka xakameynta hubka Caasimadda oo ay isla qateen golaha wasiirrada ayaa sabab u ahaa shaqaaqadii ka dhacday degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliiska waxaa uu sheegay in Sheekhow Xasan uusan ahayn Jeneraal, darajada ugu diiwaangashan dowladana ay tahay kabtan, isagoo intaas ku daray  in Sheekhow mar hore laga rusqeeyay ka mid ahaanshaha ciidanka qalabka sida, waxaana lagu soo  eedeeyay in sarkaalkan uu gurigiisa keyd iyo gabaad u ahaa shaqsiyaad dhac iyo rabshada ka geysta Caasimada dalka.

Sidoo kale, Afhayeenka waxaa uu sheegay in 12-qof siyaabo kala duwan Mobile looga dhacay xaafada uu degmada Dharkeynley ka deggan yahay sarkaalkan la rusqeeyay, iyadoo afhayeenka booliiska uu xusay in guriga sarkaalkan laga helay lacagaha la dhaqa.

Ugu dambeyn, Khasaaraha dhimashada waa laba ka mid ah maleeshiyada weerarka soo qaaday iyo askari ka tirsan ciidanka xasilinta Caasimadda, halka dhaawacana uu gaarayo illaa toddoba qof, waxa uuna intaas raaciyay in shacabka wax khasaara ah aysan ka soo gaarin hawlgalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here