MADAXWEYNE XASAN: Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa fikirka marka uu dhamaado kan Millateriga

0
328

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in fikir ahaan loola dagaallami doono.

“Khaawarijta waxaa lagala dagaallami doonaa fikirka, marka uu dhamaado kan ciidanka, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorshayaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

“Waxaa iga go’an inaan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyadoo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo iyadoo wiilal dhallinyaro ah ay naftooda hurayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa magaalada Dhuusa-mareeb u jooga dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka wajiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here