Guddoomiyaha G/Banadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa Kormeeray Qaar Kamida Degmooyinka Caasimadda+Sawiro

0
615

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda si uu ugu kuurgalo saameenta Roobkii xalay da’ay ugu yeeshay bilicda magaalada.

Goobaha uu sida gaarka ah u booqday duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish waxaa kamid,

1-Wadada hormarta School Policea.

2-Warta KM-4.

3-Isgooska Maanabooliya.

4-Isgooska Fagax.

5-Wadada Mirinaayada.

6: Degmada Boondheere.

7-Degmada Shibis.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Faray howl wadeenada dowlada hoose Xamar iyo maamulada Degmooyinka in ay xooga saaraan dib u hagaajinta bilicda Wadooyinka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here