Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka Qayb-galaya Shirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo ka Furmay Magaalada Seoul: SAWIRRO

0
317

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb-galaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Qaaradda Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoulee caasimadda South Korea.

Shirkan oo ah kii u horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka, taas oo uu kaga hadli doono qodobbo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira dalka Somalia iyo dadaalka ay wado dowladda federaalka oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga guud, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambeyn, Inta uu shirkan socdo waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Xamse uu kulammo gaar-gaar ah la yeesho madaxada ka socota Afrika iyo ka socda caalamka ee ka qayb-galaya shirka, isaga oo kala hadli doona sidii gacan looga siin lahaa DFS dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah iyo cid walba oo amniga khatar ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here