Guddoomiye Madaale oo sheegay in Muqdisho aysan xamili karin Dibad-baxyo Rabashado Wata: MUUQAAL

0
359

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay dibad-baxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Caasimadda lagu qabto bannaanbaxyo rabshado wata.

“Dastuurka dalka waxa uu ogol yahay in la qabto dibadbaxyo nabadeed, lakiinse ma ogola in la qabto bannaanbaxyo rabshado wata. Sidaas daraadeed wixii maanta dhacay waxa ay ahaayeen rabashado ee ma ahayn bannaanbax cabasho ah,” ayuu Duqa Caasimada ku yiri shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiye Madaale ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id in shaqsiga loo qabanayay bannaanbaxa uu ku jiro gacan dowladeed oo uusan ku jirin gacan cadow, dowladduna ay siinayso xuquuqda uu ku leeyahay dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here