Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta marlkii labaad dekada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys, iyo taliyaha ciidanka ilaalinta nabadgalyada Wadooyinka.
Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa xal u helida saameenta uu isku socodka magaalada u geesto gaadiidka xamuulka ah ee isticmaala wadooyinka Caasimadda, iyadoo lagu heshiiyay in la magacaabo gudi isku dhaf ah. Oo ka shaqeeya xal u helada isku socodka gadiidka xamuulka qaade ee mashaquuliya wadooyinka.