Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan la qaatay maayarrada magaalooyinka Jowhar, Qardho, Cadaado iyo Afmadow, kuwaasoo safar shaqo u jooga Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa la-taliyaha arrimaha Dowladaha Hoose ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumada federaalka Soomaaliya, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta uu la kulmay oo dhawaan dalka Japan uga qaybgalay kulan aqoon kororsi ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in waxyaabihii ay kasoo faa’iideen safarkooda shaqo ee dalka Japan ay si ficil ah ugu fuliyaan magaalooyinka ay madaxda ka yihiin, isagoo dhinka kale ku baaqay in laga wadashaqeeyo xoojinta iskaashi iyo wax wadaqabsi oo dhexmara caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee maamul-goboleedyada dalka.















