Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Carraale Afrax oo hoggaaminayay guddiga daba-galka iyo isla-xisaabtanka degmooyinka ayaa maanta kormeeray degmada Cabdicasiis.
Kormeerkan oo ujeedkiisu ahaa dardar-galinta isla-xisaabtanka iyo in si hufan loogu adeego bulshada Caasimadda ayaa madaxda maamulka Gobolka Banaadir kulan gaar ah la qaatay maamulka degmada Cabdicasiis, iyaga oo ka dhageystay warbixin la xariira xaaladda guud ee degmada.

























