Kulan qadka taleefoonka ah ayaa dhexmaray shanta madaxweyne ee dowlad goboleedyada dalka, si looga heshiiyo khilaafka dhanka doorashooyinka ah.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle, waxaana looga hadlay sidii looga heshiin lahaa arrimaha guddiga doorashooyina iyo gobolka Gedo.
Dood dheer kadib madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ayaa isku fahmay in laga heshiiyo tabashooyinka, islamarkaan kulan la isugu yimaado, si loo gaaro doorasho wada ogol ah .
Qabsomidda kulanka ayaa daba socdo dadaalo ay xubha beesha caalamka caalmka ka dhex wadeen madaxda dowlad gobleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, si meesha looga saaro kala argti duwanaasha.













