Ku-simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, ahna guddoomiye ku-xigeen amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay maalmaha Ciidul-Adxa oo billaabaya berri ah oo Axad ah.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada gobolka Banaadir deggen ugu hambalyeynayaa Ciidda Carrafo, waxaana bulshada ku nool caasimadda kuwooda Alle wax siiyay ku boorrinayaa inay dadka masaakiinta ah ee aan waxba haysan oo dariskooda ah ama aan dariskooda ahayn ay caawiyaan,” ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in maalmaha ciidda ay yihiin kuwo barakeysan lana doonayo inay shacabku isku naxariistaan oo ay xaladahooda la socdaan, maadaama haddii aan isku naxariisanno uu Rabbi inoo naxariisanayo.
“Waxaan Alle ka rajeynaynaa in ciiddan – ciiddeeda uu magu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Yabooh, isagoo xusay in shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ay si dhaw ula shaqeeyaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hay’adaha amniga, si inta lagu jiro isku imaatinnada farxadda ciidda aysan uga faa’iideysan kuwa dhibaateeya shacabka oo ay ka mid yihiin Khawaarijta.
Dhanka kale, guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay iyaguna xoogga saaraan sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee caasimadda inta lagu jiro maalmaha farxadda Ciidul-Adxa oo ka mid ah ciidaha Islaamka. Waxa uuna hadalkiisa kusoo gunaanaday ciid wanaagsan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sanadkan ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee ka qayb-galaya gudashada waajibka diiniga ah ee Xajka, waxa uuna ummadda Soomaaliyeed Alle uga baryay in quluubtooda uu isku soo dumo.













