Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa uu ku wargelinayaa dhammaan ardayda iyo waaliddiinta soo gudbiyay cabashada ku aaddanayd natiijadii imtixaanka dugsiga sare ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023, in dib loogu laabtay dhammaan maaddooyinkii ay cabashada ka qabeen, si hufanna loo eegay, loogana jawaabay cabashadoodii.

FG: Dadka cabashada soo gudbiyey waxa ay natiijadoodi ka hubin karaan Linkigan: https://soneb.gov.so/natiijada_ardayga_list.php













