Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashada Qod iyo Cod oo Maanta ka billowday Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
144

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka billowdat diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, kaasoo ay wadan Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha, waxaana degmooyinka ay ka mid noqnayaan 13-degmo oo diiwaangelintu ka socoto.

Maanta degmooyinka ay guddiga ka hawl-galeen waxaa ka mid ah: Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaasoo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta shacabka si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.

Horay waxaa diiwaan-gelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaan-gelinaysa ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin in markii ugu horreysay ay fursad u helayaan inay soo doortaan madaxdooda.

Ugu dambeyn, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeelka iyo dadka xiisaha badan u haya inay gutaan xuquuqdooda muwaadinnimo, kuna ciil baxaan codkooda ayaa si weyn uga soo muuqday goobaha ay ka socoto diiwaangelinta dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here