Mashruuc Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka lagu Horumarinayo oo laga Furay Muqdisho: SAWIRRO

0
297

Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuc lagu horumarinayo helitaanka Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka kasoo barakacay gudaha dalka.

Daahfurka Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Safiirka Dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo Xubno ka socday Hey’adda UNFPA, ujeedka Mashruucaan ayaa ah in wax laga qabto baahiyaha daryeelka Cafimaad ee muhiimka u ah bulshooyinka nugul, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Mashruucan waxaa maalgellinaya Hey’adda Gargaarka bani’aadantinimo ee Boqor Salmaan iyago oo soo marsiinaya UNFPA waxayna Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku xoojin doontaa Mashruucan dhinaca Caafimaadka Taranka Hooyada iyo Dhallaanka (RMNCH).

Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iyo xaqiijinta hiigsiga fog ee tayeynta Caafimaadka dalkeena maadama Caafimaadku yahay qeybta ugu muhiimsan Bulshada, waxayna Wasaaraddu sii laba laabi doontaa dedaalada lahu xooginayo Mashaariicda noocan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here