Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Avv. Axmed Ciise Guutaale ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku sheegay digniin culus ugu diray madaxdii hore ee Dowladda Federaalka ee weli haysta gaadiidka dowladda, isagoo u mahadceliyay mas’uuliyiintii gaadiidkii ay gacanta ku hayeem wareejiyay xarumihii laga lahaa.
Bayaan xafiiska Hantidhowraha Guud kasoo baxay bishii lasoo dhaafay ayaa lagu bixiyay amarkaan, waxaana amarkan uu noqonayaa kii labaad uu bixiyo Hanti-dhawraha Guud, iyadoo amarkan sida uu u qoran yahay uu u muuqdo mid kama dambeys ah.
“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda gaadiidka ku jiray gacantooda ee ay dowladdu leedahay u celiyay hay’adihii lahaa, sida Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tamarta, taasoo ah tallaado aad u wanaagsan oo dhinaca wanaagsan loo qaaday,” ayuu Avv. Guutaale ku sheegay qoraalkiisa.
Hantidhowraha Guud ayaa hadalkiisa ku daray: “Waxaan ugu baaqayaa madaxda kale ee guryaha ku haysta gaadiidka badan oo dowladda leedahay in ay iyagoo xor ah sida ugu dhaqsiyaha badan ugu celiyaan gacanta hay’daha dowladda ee milkiyadda gaadiidkaas leh.”
Sidoo kale, Garyaqaanka ayaa qoraalkiiisa ku sheehay in si waafaqsan sharci Lambar 34 Tr: 1974-kii, xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ay shaqadiisa iyo sidoo kale waajibka saaran ay ka mid yihiin illaalinta hantida dowladda.
Ugu dambeyn, Hantidhowraha Guud ayaa qoraalka uu bartiisa soo dhigay ku yiri: “Ruuxii doonaya in uu hantida dowladda si sharci-darro ku haysto ama u adeegsado si xun, uguna tagri-falo markii lagala hadlana dagaal, aflagaaddo iyo kicin sameeya, si loogu daayo loogana leexdo waa qaldan yahay ee ha xisaabtamo.”
Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo Hantidhowre Guud uu ka dalbado cid walba oo gaadiid dowladeed haysta ay dib ugu celiyaan hay-adihii sharciga u lahaa.













