Guddoomiye Madaale oo Xariga ka jaray Warshada Macmacaanka SOMADO oo Caasimadda laga Hir-geliyay: SAWIRRO+VIDEO

0
301

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray warshada sameynta macmacaanka SOMADO oo ay hirgelinteeda iska kaashadeen hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee TIKA iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii fursado shaqo abuur ah loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir, isla markaana xirfadooda sare loogu qaadi lahaa. Waxa uuna Hay’adda TIKA uga mahadceliyay gacanta ay ka geystay hirgelinta Warshaddaan.

Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Madaxda hay’adda TIKA, madax ka tirsan safaarada Turkiya, agaasimeyaal, guddoomiyaha degmada Shangaani, siyaasiyiin, aqoon-yahanno iyo marti sharaf kale oo ka kala socday walaalaha Turkiya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here