Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale Afrax iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha Gobolka Banaadir, ayaa kulan wadatashi la qaatay ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Wadahaddalada Somaliland, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Kulankan ayaa horudhac u ah kulamo wadatashi oo uu ergeyga la yeelanayo qaybaha kala gedisan ee maamul goboleedyada dalka, aqoonyahannada iyo qaybaha bulshada, ayaa waxay maamulka Gobolka Banaadir soo bandhigeen talooyin iyo fikarado ku aaddan qaabka loo wajahayo Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ku gacan siin doonno Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Wadahaddalada Somaliland ka mira dhallinta isku keenida walaalaha Soomaaliyeed.
























