SAWIRRO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Baakinka Garoonka Diyaadaha Muqdisho

0
496

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xarigga ka jaray barxada kaarkinka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde oo la filayo inuu xal u noqda saxmada badan ee ka jirtay gudaha garoonka.

Xarig-jarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Jimcaale, saraakiisha amniga Garoonka Aadan Cade iyo xubna ka socday beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, xarig-jarka kaddib ayaa madaxdii ka hadashay goobta oo uu ugu hoorreeyo Duqa Muqdisho waxay sharraxeen muhiimadda uu u leeyahay garoonka baakinka, iyagoo ammaanay cid walba oo gacan ka geysatay hirgelinta barxadda la dhiganayo gaadiidka marka loo socdo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here