Kooxda Manchester City oo hoggaanka horyaalka Premier League-ga kala wareegtay Arsenal

0
344

Kooxda Manchester City ayaa hoggaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier leaguge-ga kala wareegtay kooxda Arsenal, kaddib markii ay xalay uga badisay 3-1.

Cayaarta ayaa ka dhacday garoonka Emirates oo ay leedahay kooxda Arsenal, waxaase ku dhacday kooxda The Gunners guuldarro ay kasoo waaqsan wayday.

Kooxda Arsenal oo hoggaanka u haysay horyaalka, rajeyneysayna inay ku guuleysato Premier League-ga kaddib tan iyo 2004-tii ayaa rajadeeda waxaa ceel ku ridday Man City, waxaana goolasha u kala dhaliyay Kevin de Bruyne, Jack Grealish iyo Erling Haaland, halka goolka keliya ee Arsenal oo ahaa mid rigoore ah uu u dhaliyay Bukaya Saka.

Waxaa kooxda Arsenal baaqi u ah hal cayaar marka loo eego kulammada ay cayaareen kooxaha horyaalka, haddana guuldarrdan ayaa ahayd middii ugu horreysay ee kooxda Arsenal gurigeeda kusoo gaarta xilli cayaareedkan.

Kooxda uu tababbaraha u yahau macallin Pep Guardiola ayaa leh 51-dhibcood, waase isku dhibco Arsenal. Farqiga kala sarreyntooda ayaa ah dhanka goolasha.

Ugu dambeyn, Tababbaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qiray in kooxda Manchester City ay ka faa’iideysatay khaladaad dhowr ah oo ay galeen cayaartooydiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here