SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay saraakiil ka tirsan ciidanka Talyaaniga ka jooga Somalia

0
380

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay madaxa xafiiska xiriirka arrimaha bulshada ee cutubka ciidanka Talyaaniga ka jooga Soomaaliya ee CIMIC, Colonel MICOLI iyo madaxa ugu sarreeyo EUTM Jeneraal Poli.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga ee labada dhinac iyo sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu taageeri lahaa waaxyaha gurmadka deg-degga ah, dhismaha xarunta caafimaadka xoolaha iyo tababarrada kor loogu qaadaayo xirfadaha shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here