SAWIRRO: Kulan looga hadlay Amniga Guud ee Caasimadda oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

0
347

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulan wadajir ah magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulanka la qaatay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine, waxaana looga hadlay Amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda iyo sidii loo ciribtiri lahaa khawaarijta Al-shabaab.“Dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxay mudan yihiin inay nabad iyo amni ku noolaadaan, waana waajib na saaran ka dowlad ahaan inaan xaqiijinno” ayuu yiri wasiir Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Doodishe.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa Wasaaradda Amniga ku boggaadiyay dardar-gelinta hawlaha hortebinta u leh Amniga dalka, iyagoo sheegay in ay dhankooda ka qayb-qaadan doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaa lahaayeen.Ugu dambeyn, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Taliye xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, dublamaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here