Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay abaare 21:00 PM fiidnimo uu naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad shaah ku cabeyay bannaanka hore ee maqaayada Blue Sky oo ku taalla degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taallada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.”
“Khasaaraha qaraxa ka dhashay wax uu ahaa dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada saxafi Cabdifitaax Macallin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, warbixinta booliiska ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay u gurmadeen dadka ay meesha waxyeelladu ku gaartay. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordhana ummadda waa lala wadaagi doonaa.













