Dowladda Turkiga oo si Rasmi ah u Shaaciyay Xilliga ay Billaabayso Qodidda Shidaalka Soomaaliya

0
235

Wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in sanadka 2025-ka ay si rasmi ah u billaabayaan qodida shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, isagoo xusay in inta ka horreysa muddadaas ay sameynayaan sahminta ceelasha shidaalka ee badaha Soomaaliya.

Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday bishii Maarso ee sanadka aynu ku jirno ee 2024-ka heshiis dhigaya inay kordhiyaan iskaashigooda, kaasoo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah looga baarayo xeebaha Soomaaliya. Waxaana uu heshiiskan daba socday heshiis difaaca badaha ah oo bishii Feberaayo ay kala saxiixdeen labada dal.

“Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inay ku jirto kayd shidaal oo ballaaran, waxa aan billaabi doonnaa shaqada sahminta, waxa aanan doonaynaa in aan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025-ka,” ayuu yiri wasiir Bayraktar oo wareysi gaar ah NTV.

“Heshiiskan, waxa uu qayb ka yahay qorshe aan doonayno in shacabka ku nool Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka ku aasan dhulkooda. Waxaan sidoo kale doonaynaa in aan xoojinno joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika oo iskaashiyada iyo heshiisyadu ay intaas ka bataan,” ayuu yiri Bayraktar.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hadalkiisa ku datay: “Sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga baarayo xeebaha Soomaaliya ayaan dhawaan ka billaaban doona goobihii aan u arnay in shidaal uu ku jiro, waxa laga yaabaa in wejiga 1-aad ee sahminta aan ku fulinno markabkiib kuwa shidaalka qoda ah oo ka imaanaya Turkiga.”

Dhanka kale, Heshiiskan waxaa ka mid ah; gaadiidka, sifeynta, iibi-geynta shidaalka iyo gaaska laga helo mashruucan.

Ugu dambeyb, Turkiga oo saaxiib dhaw la ah dalka Geeska Afrika ayaa maal-geliyay waxbarashada wadamadaas, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxaana uu siiyay kaalmo bini’aadantinimo oo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here