Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay aanad-guurada 10-aad ee kasoo wareegatay markii dib loo furay Isbitalka Recep Tayyip Erdogan (Ex- Digfeer).
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Turkiya u fadhiya Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo marti sharaf kale.


































