Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu kasii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga koowaad ee hawlgalka xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee maamulka Koonfur-galbeed oo la xiriira abaabulka wajiga labaad ee hawlgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.














