Wafdi Hor Dhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Dhuusamarreeb+Sawiro

0
356

Wafdi horudhac u ah booqashada madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wafdigaan oo uu hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo ay qayb ka ahayeen Xildhibaano Fadaraal ah iyo Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaalia ayaa maanta soo gaaray Dhuusamareeb.

Wafdigaan waxaa Magaalada Dhusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan dowlada Galmudug Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Duqa Caasimada Dhusamareeb.

Madaxweyne Soomaalia ayaa lagu wada in u maalinta beri ah ay booqasho uga bilaabato Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here