Guddoomiye Amiir oo booqasho shaqo ku jooga Masar Kormeer ku tagay Safaaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar: SAWIRRO

0
171

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir oo safar shaqo ku joogo magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Cali Cabdi Awaare ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir, isaga oo ugu warbixiyay xaaladda ay ku shaqeyso safaaradda iyo baahiyaha jirta oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-dhiska iyo dayactirka hoolka shirarka ee safaaradda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Amiir ayaa danjiraha ka guddoomay warqadaha qiimeynta qarashka ku baxaya dib u dhiska hoolka shirarka ee safaaradda, wuxuuna ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doonno.

Danjire Awaare ayaa u mahadceliyay guddoomiye Amiir, waxa uuna sheegay in safaaradda aysan iloobi doonin taageerada Duqa Muqdisho ee ku aaddan dhismaha hoolka shirarka ee safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here