Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Mahad Maxamed Salaad ayaa ahaa Xubin kamida Golaha Shacabka BJFS oo Deegaan doorashadii tahay Dowlad Goboleedka Galmudug.













