Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka ammaanku ay ka fashiliyeen dhagar xooggan oo kooxda naf la caariga ah ee khawaarijtu ay doonaysay inay ku dhibaaateyso shacabka.
“Ciidamada ammaanka oo ka feejigan dhagaraha qarsoon ee ay maleegayaan khawaarijta ayaa ku qabtay bar kontarool oo amniga lagu sugo gaari laga soo bixiyay walxaha qarxa oo la damacsanaa in gudaha loo soo galiyo caasimadda, si shacabka loogu waxyeeleeyo,” ayaa lagu war ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Taliska Booliska ayaa sheegay in qaraxii saaka ka dhacay Ceelasha Biyaha ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin ciidamada geesiyada ee fashiliyay qaraxan iyo labo ruux oo shacab ah, uuna qaraxu geystay khasaare hantiyeed.
Ugu dambeyn, Afhayeenka Booliska G/le Saadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa xusay in qaraxan uu noqonayo midkii 5-aad ee ciidamada amnigu ay ka hor-istaageen in gudaha loo galiyo Caasimadda dalka.













