Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbadda Salaadda Jumcaha ee maanta ayaa soo dhaweeyay go’aankii taariikhiga ahaa ee madaxda fallada bulshada Bariga Afrika (EAC) ay ku aqbalaeen codsigii ay Soomaaliya u gusbisay, kaasoo ay uga mid noqonayso Suuqa Dhaqaalaha Wadamada Bariga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mar hore ay Soomaaliya go’aansatay in ay ka mid noqoto suuqaas, wuxuna xusay in suuqaas uu adeego dad ka badan 400 oo milyan oo ku kala nool toddoba dal oo ku mideysan suuqan. Soomaaliya faa’iido badan ayaa ugu jirta maadaama dadkeenu yihiin kuwo si wanaagsan u yaqaanna ganacsiga.
“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego waa la aqbalay codsigeennii ka mid noqoshada Suuqa Bariga Afrika. Wixii shuruuc ah ee loo baahan yahayna waanu buuxinnay, heshiisyada la gala waxaan ku soo celin doonnaa baarlamaanka Somalia, iyaga ayaana laga doonayaa inay meel-mariyaan.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in suuqaan uu isku xiro inta u dhexeysa badweynta Hindiya illaa badda Atlantic-ga oo Galbeedka Afrika marta. Waxa uuna madaxweynuhu xusay in uu noo sahlayo suuqaan koboc dhaqaale iyo inaan ka mid noqonno Bulshada Bariga Afrika ee sida xorta ah isaga goosha gabi ahaan dalalkaas.













