Kooxda Savilla oo markii Todobaad ku guuleystay Koobka Europa League: SAWIRRO

0
565

Kooxda Sevilla ee dalka Spain ayaa markii 7-aad ku guuleysatay tartanka koobka Horyaalka Yurub (Europa League), kaddib markii ay rikoodheyaal 4-1 ah kaga badisay kpoxda Roma oo ay isku soo hareen final-ka koobkan, waxaana xilligii cayaarta loogu talo-galay iyo waqtigii dheeriga ahaa ay ku dhammaatay barbarro 1-1 ah.

Gonzalo Montiel ayaa noqday geesigii rigoorayaashii xalay, kaddib markii kooxdiisa Seville u suurogeliyay inay markeedii 7-aad ku guuleysto koobkan, isla markaana uu guuldarro dusha u saaro macallinka kooxda Roma Jose Mourinho.

Sidoo kale, Goolhaye Bono oo kasoo jeeda dalka Marooko ayaa isagana noqday halyeey kale, kaddib markii shabaqa kooxdiisa uu ka badbaadiyay gool-ku-laadyo badan, waxaana uunka mid ahaa cayaaetoyda kooxdiisa u horseeday inay guuleysato.

Kooxda Sevilla oo ku horreysay rigooraha ayaa waxa uu si xarrago leh ugu dhaliyey Lucas Ocompos oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Rui Patricio, hase yeeshee waxa u jawaabay Cristante oo noqday laacibka keliya ee kooxda Roma u dhaliyey rigoore, isagoo si adag kubadda kaga hoos bixiyay goolhaye Bono oo ku sigtay inuu kubadda qabto.

Kooxda Saville waxaa saddexda gool ee kale u kala dhaliyay laacibiinta kala ah; Eric Lamela, Ivan Rakitic iyo Montiel. Kooxda Roma waxaa laba gool-ku-laad ka khasaariyay Manicini iyo Ibarez oo labaduba ahaa laba cayaaryahan oo si weyn loogu yaqaannay rigoorayaasha.

Dhankan kale, Kooxda Roma ee ka dhisan dalka Talyaanigq ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxaa gool qurux badan u dhaliyey Paulo Dybala, laakiinse markii ay qaybta labaad 10-daqiiqo socotay ayuu Mancini iska dhaliyay kubbad uu doonayay inuu iska difaaco, taasoo cayaarta 1-1 ka shigtay.

Markii ay soo idlaatay 90-kii daqiiqo ee loogu talo-galay cayaarta ayay labada kooxood isla dhaafi waayeen barbarro 1-1 ah, waxaana lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah, waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, waxaana koox walba ay isku dayday inay guusha dhankeeda soo mariso, balse uma suuro-gelin. Waxaana la isla aaday goolal ku laadyo.

Ugu dambeyn, Kooxds Sevilla ayay u tahay markii 7-aas oo ay ku guuleysato tartanka Europa League ee horena loo odhan jiray UEFA, waxa ayna sidaas kaga soo qayb-geli doonaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, kaasoo ay ka maqnaan lahayd haddii aysan koobkaan qaadi lahayn, maadaama ay kaalinta 11-aad kaga jiraan horyaalka dalka Spain ee LaLiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here