Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb-galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa khudbad oo ka jeediyay kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Somalia ee ku aaddan in deeqaha bini’aadamnimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.
“Tan iyo bishii Luulyo 2022-kii, ciidanka amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo 10-sano ah kaddib annagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”













