Wasaaradda Amniga iyo Ciidamada Amaanka oo ka shiray sidii Ammaanka Caasimadda loo adkeyn lahaa: SAWIRRO

0
410

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe), taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin, taliye ku-xigeenka booliiska, Jen. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), agaasimaha guud ee wasaaradda amniga, Mudane Yuusuf Cali, taliyaha qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Col. Macallin Mahadi iyo saraakiisha hawlgalka Ciiltire, ayaa kulan looga hadlay sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta wasaaradda amniga gudaga.

Kulanka intii uu socday ayaa laga xog-wareystay saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Ciiltire sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Caasimadda, inta lagu guda jiro maalmaha ciidda iyo toddobaadka xorriyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here