Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay xarunta hawlgalka degdega ee caafimaadka dadweynaha Gobolka Banaadir.
Dhagax-dhigan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya, iyada oo xaruntan ay qayb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.




























