Muqdisho, 22 January 2023: Maanta ayaa koox ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta ah waxay soo weerareen xarunta maamulka Gobalka Banaadir.
Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta mas’uuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay inay kasoo saaraan halkaas iyaga oo badqaba.
Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.
Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday shan ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa ee weerarka fuliyay ayaa ahaa kuwa lugaynaya oo isku ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas u soo gaaraan.
Dowladdu waxa ay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allaah uga baryaysa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay.
Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.
-Dhammad-













