Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u saameeyay Roobabka deerta ah ee saacadihii lasoo dhaafay ka da,ay magaalada Muqdisho, iyadoo Gudoomiyaha uu kormeerkaas ku wehlinayay gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).
Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku amray howl wadeenada Dowlada hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka in la xoojiyo gurmadka dadka danta yar ee uu Roobku saameeyay iyo sidoo kale in la dardargaliyo howlaha biyaha looga saarayo wadooyinka Caasimadda si ay u fududaato isku socodka gaadiidka iyo bulshada.
Guddoomiye Cumar Filish goobaha uu booqday waxaa kamid ah degmooyinka Shangaani Xamar Weyne, Wadada horumarta school Boloosiya, Warta KM-4 iyo Wadada Ceel Qaloow goobahaas oo kamid ah meelaha uu saameeyay Roobkii ka da’ay Caasimadda.













